Ciidamada ammaanka ee ismaamulka Nairobi ayaa gacanta ku dhigay ugu yaraan 600 oo qof kuwaas oo lagu eedeyay in aynan u hoggaansamin amarrada dowladda iyo talooyinka caafimaad ee lagu xakameynaya faafidda cudurka COVID-19.
Shakhsiyaadkan ayaa la qabtay xilliga bandowga habeenkii iyo in aynan sidan maaskarada afka iyo sanka lagu xirto
150 ka mid ah eedeysanyaasha ayaa la qabtay shalay ka dib markii aynan ilaalin amarka dowladda ee ah in aan laga bixi karin lana soo gelin karin shan ismaamul oo ay caasimadda dalka ee Nairobi ka mid tahay.
Taliyaha booliska ee ismaamulka Nairobi ,Augustine Nthumbi ayaa sheegay in qaar ka mid ah shakhsiyaadka la xiray ay ku dhex jireen goobaha lagu caweeyo iyaga oo aan sidan maaskaro halka kuwa kale la qabtay iyagoo socday xilliga bandowga habeenkii ka dib.
Waxaa uu intaa ku daray n eedeysanayaasha lagu siidaayay damaanad lacageed ayna maanta ka soo hor muuqan doonaan maxkamadda
26-kii bishii hore ayay ahayd marki madaxwaynaha dalku Uhuru Kenyatta uu soo saaray amar ahaa in aan la soo gali Karin lagana bixi karin ilaa amar dambe shan ismaamul oo kala ah Nairobi, Kajiado , Machakos, Kiambu iyo dowl-deegaanka Nakuru oo uu sheegay inay yihiin goobaha sida aadka ah uu u sameeyay caabuqa corona.
Dowladda ayaa soo saarta baaqyo joogta ah oo dadka loogaga digayo halista uu leeyahay caabuqa corona oo laga dareemayo guud ahaan ismaamulada dalka.