Guddiga adeegga garsoorka ee dalka ee JSC ayaa maanta billaabay turxaan bixinta shakhsiyaad doonaya in ay buuxiyaan jagadii uu howlgabka ka noqday madaxii cadaaladda ee wadanka Mr. David Maraga.
Xubnaha JSC ayaa su’aalo weydiiyay garsoore Saciid Juma Chitembwe.
Xaakinka ayaa su’aalo lagu weydiiyay xarunta maxkamadda ugu sarreysa Kenya ee Supreme Court.
Garsoore Chitembwe ayaa sheegay in hadii uu ku guulaysto turxaan bixinta oo loo magacaabo madaxa cadaaladda ee Kenya uu sii dhameystiri doono waxyaabaha qabyada ah.
Waxaa uu xusay inuu ka shaqeyn doono wanaajinta adeegyada iyo waxqabadka hay’adaha cadaaladda ee dalka.
Sidoo kale waxaa uu carrabka ku adkeeyay in mudada ay qaadato in la dhageysto oo la soo gabagabeeyo dacwadaha kala duwan oo la yareeyo ay ka hor tag u noqonaysa musuqmaasuqa mararka qaar lagu eedeyo waaxda garsoorka ee dalka.
Garsoore Chitembwe ayaa sheegay in hadii qofka eedeysanaha ah uu ogyahay in dacwadiisa lagu soo dhameystirayo muddo hal bil ah uunan waqti gelinayn in uu laaluush bixiyo.
Waxaa sidoo kale codsiyo la xiriira xilka madaxa cadaaladda ee dalka soo dirsaday oo su’aalo la weydiin doonaa garsoorayaasha iyo garyaqaanada sare ee kala ah Prof. Patricia Mbote, Martha Koome, Marete Njagi, Philip Murgor, Nduma Nderi, Fred Ngatia, William Ouko, Dr. Wekesa Moni iyo Alice Yano.
Dhanka kale madaxa waaxda diiwaangelinta garsoorka ee dalka Anne Amadi ayaa sheegtay in turxaan bixinta la sameynaya iyada oo loo hoggaansamaya xeerarka lagu xakameynaya faafitaanka cudurka COVID-19.
Waxay intaa ku dartay in maalin kasta su’aalo la weydiin doono keliya hal qof oo ka mid ah 13 codsiyo soo dirsaday.