DHAGEYSO:Koonfur Galbeed oo shacabka ugu baaqday inay sare u qaadaan wax soo saarka beeraha

0
819

Kulan ay si wada jir ah u soo qaban qaabiyeen Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka koonfur Galbeed,Hay’adaha dhiiragaliyo wax soo saarka Beeraha iyo Jaamacadaha ku yaala Magaalada Baydhaba ayaa ayaa lagu qabtay Baydhabo waxaana ka qayb galay Masuulityiin kala duwan.
Kulankaan ayaa waxaa ka qayb galay masuuliyiin Matalaysay dhinacyada soo qaban qaabiyay iyo iskaashatooyinka Beeraleeyda Koonfur Galbeed waxaan looga hadlay dhiiragalinta Wax soo saarka Gudaha iyo kordhinta dalagyada wadanka ka soo baxa.
Sidoo kale waxaa looga hadlay qorshe suuq gayn dibadda ah loogu samaynayo dalagayda kala duwan ee ka soo baxa gudaha dalka Soomaaliya gaar ahaan deegaanada Maamulka Koonfur Galbeed oo ka mid ah meelaha dalka Soomaaliya ay ku yaalaan dhul beereedka ugu baaxada Weyn.
Dalagyo aan horay uga Bixi jirin deegaanka oo qaar Ka Mid ah Jaamacadaha Magaalada Baydhabo ay Tijaabooyin ka sameeyeen ayaa shacabka beeraleeyda ah waxaa lagu dhiiragaliyay inay beeraan.
Sidoo kale Waxaa Beeraleeyda deegaanada Maamulka koonfur Galbeed lagu booriyay inay sii kordhiyaan Wax soo saarka tabaca beeraha si ay u daboolaan baahiyaha dhanka beeraha ah ee ka jira deegaanada koonfur Galbeed.

Dhanka kale Wax soo Saarkii Dalaga Bariiska ee ay Caanka ku aheyd Magaalada Jowhar ee Xaunta gobolka shabeelada dhexe sidoo kalena ah Caasimadda Maamulka Hirshabeelle ayaa waxaa hadda laga dareemayaa Hoos udhacay baahsan kaddib Fatahaado soo lalaabta iyo Ayaxa sanadihii ugu danbeeyay Saamaynta weyn ku yeeshay gobolo badan oo dalka Soomaaliya ka mid ah.