Barasaab ku xigeenka Nairobi oo la ansaxiyay

0
744

Wakiillada golaha hoose ee ismaamulka Nairobi ayaa ka dib turxaan bixin ay maanta ku sameyeen Anne Kananu oo loo soo magacaabay ku xigeenka guddoomiyaha caasimadda dalka waxay ansaxiyeen inay xilkan buuxiso.
Turxaan bixinta ayaa qaadatay wax ka yar hal saac.
Bishii koowaad ee sanadkii hore ayay ahayd markii uu soo magacaabay barasaabkii xilka laga qaaday ee Mike Sonko.
Haweeneydan ayaa lagu wadaa in la dhaariyo si ay ula wareegto xilka barasaab ku xigeenka magaala madaxda wadanka oo uu baneeyay Polycarp Igathe oo is casilay horraantii 2018-kii