Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya ayaa lagu soo warramaya inay saaka gaareen degaanno ka tirsan Gobolka Hiiraan oo ay horay ugu sugnaayeen dagaalamayaasha Al-shabaab, waxaana wararkii u dambeeyay ay sheegayaan in degaanadaasi ay ku sugan yihiin hada Ciidanka Dowladda oo si nabad ah kula wareegay kadib amrkii ay shabaabku isaga baxeen.
Deegaanada ay Ciidanku gaareen ayaa waxaa ka mid ah degaanka Comood oo 30km u jira degmada matabaan ee Gobolka Hiiraan, waxaana lasoo sheegayaa in Guutada 15aad Taliska Qaybta 21aad ee Ciidanka Xoogga dalka oo kaashanaya Ciidanka Nabad Sugidda Galmudug ay saacado ka hor gaareen degaankaasi.
Madaxa Howlgalada Guutada 15aad qeybta 21aad Cabdulaahi Cali Dhimbil ayaa xaqiijiyay in degaankaaasi ay la wareegeen Ciidamada Xoogga Soomaaliya iyagoon wax dagaal ah galin, waxaana uu intaas ku daray in Al-shabaab ay degaanka isaga bexeen kadib culeys kasoo wajahay Ciidanka Xoogga, isagoo carrabka ku dhuftay inay sii wadi doonaan howlgalada ay ka sameynayaan Gobolkaasi, oo dhawanahaan ay ka dhacayeen dagaallo u dhexeeya Al-shabaab iyo Ciidanka Dowladda Soomaaliya.
Shalay ayay ahayd markii Ciidanka Milatariga Soomaaliya iyo Al-shabaab ay ku dagaalameen degaan ka tirsan Gobolka Hiiraan, waxaana shalay galinkii dambe dagaal xooggani uu ka dhacay degaanka Bacda oo gobolkaasi ka tirsan.
Home Wararka Soomaaliya Milatariga Soomaaliya oo Al-shabaab kala wareegay deegaano gobolka Hiiraan ka tirsan