Xildhibaanka Lagdera oo ku baaqay in la xoojiyo amniga deegaankaas ka dib dhacdo dad lagu dilay

0
341

Mudanaha laga soo doortay deegaanka Lagdera ee ismaamulka Garissa Maxamad Hire Gaarane ayaa qoraalo dhowr ah oo uu soo dhigay bartiisa rasmiga ee Twitter-ka kaga hadlay dhacdo ay dad ku dhinteen oo laga soo tabiyay tuulada Kambi Samaki.
Falkaas ayuu ku tilmaamay mid nasiib darro oo niyad jab ah .
Waxaa uu xusay in weerarku uu dhacay duhurnimadii maanta.
Mudanaha ayaa dowladda dhexe ka codsaday in ay amniga deegaankaas xoojiso oo ay dhisto saldhig boolis oo cusub.
Sidoo kale madaxda siyaasadeed ee ismaamulka Isiolo oo daris la ah Lagdera ayuu ku boorriyay in sida uu qoraalka u dhigay ay joojiyaan is-qabadsiinta shacabka dano siyaasadeed awgood.
Guddoomiyaha Ammaanka ee Lagdera Philip Koima ayaa xaqiijiyay in la dilay saddex qof halka mid ka mid ah ciidamada booliska keydka la dhaawacay.
Mas’uulkan ayaa sheegay in baaritaannada hor dhaca ah ay muujinayaan in burcad hubeysan oo ah ilaa 70 ay weerareen tuulada Kambi Samaki .
Wararka ayaa intaa ku daraya in sarkaalka dhaawacmay hadda lagu daaweynaya isbitaalka Bannaaneey.
Xadka Lagdera iyo Isiolo ayaa waxaa in muddo ah ka jiray falal amni darro oo u dhexeya bulshooyinka halkaas ku nool.