Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ee muddo xileedkoodu dhammaaday ee dalka Soomaaliya ayaa Maanta oo Isniin ah waxaa la filayaa in kulan aan caadi aheyn ay ku yeeshaan Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho.
Ajendaha kulanka Xildhibaanada ayaa waxaa uu yahay ka doodista Mooshin ku saabsan Doorashooyinka Qaranka, sida lagu shaaciyay qoraal kasoo baxay Guddoonka Golaha Shacabka, loona diray Xildhibaannada.
Mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa xalay lagu wargeliyay inuu Maanta jiro kulanka Golaha, islamarkaana looga baahan yahay inay kasoo qeyb galaanka kulankaas, si looga doodo Ajendaha horyaalla.
Kulanka Xildhibaannada ayaa waxaa ka maqnaan doona 15-Xildhibaan oo Guddoomiyaha Golaha Maxamad Mursal Sheekh Cabdiraxmaan uu ka ganaaxay fadhiyada Baarlamaanka, ka dib markii lagu eedeeyay inay fowdo ka sameeyeen Xarunta Golaha.
Saacadaha soo socda ayaa la filayaa in kulanka uu ka bilowdo Xarunta Villa Hargeysa, waxaana qaar kamid ah Xildhibaannada ay sheegeen in Guddoonka uu doonayo in muddo kordhin uu u sameeyo hay’addaha dowladda iyo Madaxweynaha wakhtiga ka idlaaday.
Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa ka horyimid qorshaha lagu doonayo in muddo kordhin loogu sameeyay Baarlamaanka iyo Farmaajo, iyagoo ka digay tallaabadaas oo ay ku tilmaameen mid dalka uga sii dari karta xaaladda Cakiran ee uu ku jiro.