Booliska oo rumeysan in dilka wariye ka tirsanayd warbaahinta qaranka uu ahaa mid qorsheysnaa

0
564

Ciidamada booliska ee dalka ayaa aaminsan in dil dhawaan lagula kacay wariye ka mid ahayd shaqaalaha warbaahinta qaranka ee KBC uu ahaa mid qorsheysnaa madaama iyada kaliya la dilay iyadoo ay guriga joogeen ilaa lix qof oo kale oo aan dhibaato loo geysan.
Dambi baarayaasha arrinkan ku howlan ayaa sheegay inay suurtagal tahay in si qorsheysan looga takhalusay Betty Barasa.
Haweeneydan ayaa lagu toogtay hooygeeda oo ku yaalla xaafadda Ololua ee Ngong ee ismaamulka Kajiado wax yar un ka dib markii ay ka soo laabatay goobteeda shaqo.
Wararka ayaa intaa ku daraya in burcad ka kooban saddex qof ay wariyaha ka dalbadeen in ay lacag bixiso kadibna markii ay ka diiday ay toogteen.
Qaar ka mid ah qoyskeeda ayaa sheegay in ay rasaas maqleen ugu dambeyna arkeen meydka Betty Barasa
Dhanka kale qoyska iyo asxaabta suxufiyadda ayaa tagay guriga wariyaha ka howl galeysay warbaahinta qaranka ee KBC Betty Barasa si ay ugu baroordiiqaan.
Qoyska haweeneydan ayaa haatan kuguda jira qorshaha aaskeyda.