70 wiil oo arday ah oo dhigta dugsiga sare ee wiilasha ee Anestar Bahati ee ismaamulka Nakuru ayaa dugsigii wax ka baranayeen laga fiijiyay ka dib markii lala xiriiriyay dhacdo habeen ka hor laga soo tabiyay dugsi sare oo ay gabdho wax ka bartaan.
Ardaydan ayaa ka mid ah kuwa sameynaya imtixaanka qaran ee fasalka afaraad ee dugsiyada sare (KCSE-da).
Tani ayaa kusoo aadeysa iyadoo saraakiisha waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ay sheegeen in gacanta lagu dhigay 10 wiil oo arday ah ka dib markii ay 8-dii bishaan xilli habeenimo ay u dhaceen mid ka mid ah xarumaha jiifka ee dugsiga sare ee gabdhaha ee Anestar Precious Girls ee ismaamulka Nakuru
Guddoomiyaha dowladda dhexe ku matala dowlad deegaanka Nakuru Erastus Mbui ayaa sheegay in 60 kale oo arday ah shalay subax loo taxaabay xabsiga iyagoo isku dayay inay dib ugu soo laabtaan iskuulkooda.
Waxaa uu intaa ku daray in waalidiinta ardaydan laga doonaya inay sameeyaan qabanqaabada sida ay ardaydu ugu fadhiisan lahaayeen waraaqaha u haray ee imtixaanka maadaama aan loo ogolaan doonin inay dib ugu laabtaan goobtooda waxbarasho.
Warbixin ay booliska soo saareen ayaa lagu sheegay in wiilashaan ay jabiyaan derbiga wareega ee iskuulka gabdhaha xilli habeen ah, waxayna u sii gudbeen dhanka jiifka.
Ciidamada booliska ee saldhigga Githioro ayaa isla markiiba arrinkan ka falceliyay ka dib qaylo-dhaan ka soo yeertay gabdhaha.
Ilaa iyo hadda ma cadda ujeedka ay halkaas u tageen.
Eedeysanayaasha ayaa hadda ku jiro saldhigga booliska ee Dundori si looga qaado tallaabada xigta.