Guddoomiyaasha dowladda dhexe iyo maamulayaasha dugsiyada oo laga codsaday in ay la yimaadaan qorsho ka dhan ah ardayda

0
451

Guddoomiyaasha dowladda dhexe ku matala ismaamullada xayiradda la saaray ee dalka iyo maamulayaasha dugsiyada sare ayaa laga doonaya inay ka wada shaqeeyaan diyaarinta gaadiidka lagu qaadi lahaa ardayda haatan ku sugan dugsiyada.
Ardaydan ayaa ah kuwa samaynaya imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka afaraad dugsiga sare ee KCSE-da.
Wasaaradda waxbarshada ee dalka ayaa ka codsatay dhammaan agaasimayaasha waxbarashada ee ismaamulladan inay la shaqeeyaan guddoomiyaasha dowladda dhexe ku matala dowlad deegannada iyo maamulayaasha dugsiyada si loo hubiyo in ardayda loo fududeeyo safarka ka dib imtixaanadooda.
Waxaa sidoo kale la faray inay hubiyaan in dhammaan ardayda safri doonta ay ku labisan yihiin dirayska iskuulladooda ayna wataan warqad hordhac ah oo ka socota goobtooda waxbarashada.
Tan ayaa ku soo aadeysa iyadoo ay dowladda 26-kii bishii hore mamnuucday in la soo galo ama laga baxo shan ismaamul oo kala ah Nairobi, Kajiado, Machakos, Kiambu iyo Nakuru ka dib markii kiiska maalinlaha ee dowlad deegannadani ay kordheen.
Madaxweynaha ayaa sheegay in tallaabooyinkan ay yihiin kuwo loo baahan yahay oo ku meel gaar ah.