Guddoomiye ku xigeenka Kilifi oo dembi lagu waayay

0
363

Maxkamadda ismaamulka Mombasa ayaa sheegtay in wax dembi ah lagu waayay barasaab ku xigeenka dowlad deegaanka Kilifi Gideon Saburi
Mas’uulkan ayaa horay loogu eedeyay in uu si ula kac ah u faafiyay cudurka COVID-19
Garsoore Edna Nyaloti ayaa ku dhawaaqday go’aanka maxkamadda.
Waxay xustay in aynan jirin caddeyn wax ku ool ah oo muujinaysa in siyaasigan uu isagoo og dad la macaamilay si uu ugu gudbiyo cudurka oo xilligaas isaga saameeyay.