Dadka ka imaanaya India oo laga mamnuucay inay galaan New Zealand

0
547

Dowladda wadanka New Zealand, ayaa ku dhawaaqday in si ku meel gaar ah ay u joojisay dadka ka imaanaya dalka India inay soo galaan dalkeeda ka dib markii ay korodhay tirada dadka u dhashay India ee uu soo ridanayo cudurka COVID-19 .
Arrintan ayaa timid ka dib markii 23 xaaladood oo cudurka la xiriira laga diiwaan galiyay dalkaasi New Zealand.
Maamullada caafimaadka ayaa sheegay in 17 ka mid ah kiisaskan laga helay dad ka yimid India taas oo dhalisay go’aankan dag daga ah ee ka soo baxay dowladda New Zealand sida ay shaacisay ra’iisul wasaaraha dalkaasi.
Dhanka kale India ayaa laga xaqiijiyay in ka badan 12 milyan oo ah xaaladaha coronavirus tani ayaa ka dhigan in India ay kaalinta saddexaad kaga jirto liiska kala horaynta wadamada uu caabuqa sida weyn u saameeyay waxaana ka horreeya keliya wadamada Maraykanka iyo Brazil.
24-saac ee la soo dhaafay dalka Inidia ayaa laga diiwaan galiyay tiradi ugu badnayd ee hal maalin ah uu haleelo caabuqa taas oo dhan 126,789 xaladood, halka dhimashadu ay gaarayso 685 qof oo cusub, isu gayn india waxaa caabuqa ugu geeriyooday dad dhan 166,862 tan iyo intii uu dilaacay COVID-19.
Xayiraadda dhinaca socdaalka ah ee New Zealand ay ku soo rogtay dadka ka imaanaya india oo ay ku jiraan muwadiniinta u dhashay dalkaasi New Zealand ayaa bilaaban doonta 11-ka bishan iyada oo socon doonta ilaa 28 bishan aan ku guda jirno ee April xiligaas oo dib u eegis lagu samayn doono xayiraadan.
Waa marki ugu horaysay ee xayiraadaha dhinaca socdaalka ah ee ay kaga hortagayso xanuunka covid -19 New Zealand ay ku darto muwaadiniinta dalkeeda u dhashay.
Tirada caabuqa corona ee guud ahaan dalka New Zealand laga diiwaan galiyay ayaa dhan 2,555 xaaladood, halka dhimashada guudna ay gaarayso 26 xaladood.