Dowladda wadanka Canada ayaa xayiraado cusub ku soo rogtay gobalka Ontario, kadib marki ay korodhay tirada maalin laha ah ee caabuqa corona.
Gobalkan ayaa gali doona muddo bil xayiraado ah iyada oo dadka loogu baaqayo inay ku nagaadaan guryahooda.
Waxaa sidoo kale muddo bil ah albaabada la isugu dhufanayaa goobaha ganacsi ee aan muhiimka ahayn.
Dowladda dalkaasi waxay sheegtay in xaaladu tahay mid faraha ka sii baxaysa sidaa daradeedna ay talaabooyinkani noqdeen kuwa lagama maarmaan ah in la qaado.
Maamulka haya talada Canada ayaa wado talaabooyin dheeraad ah oo muwaadiniinta ay ku gaar siinayso talaalka cudurka COVID-19.
Ra’iisul wasaraha dalkaasi Canada Justin Trudeau, waxaa uu ka digay wajiga saddexaad ee caabuqa oo uu sheegay in dadka si daran uu u soo ridanayo loona baahan yahay in taxaddar dheeraad ah la muujiyo.
Gobalka Ontario oo kaalinta koobaad kaga jira goballada ugu dadka badan wadanka Canada ayaa lagu soo waramayaa in tiro badan oo ku nool gobalkaasi uu haleelay caabuqu.
Dowladda Canada waxay shaacisay iyada oo laga faa’iidaysanayo wakhtiga fasaxa bishan Afaraad ee dugsiyada dalkaasi in la guda gali doona sidii talaalka lagu gaarsiin lahaa macallimiinta iyo dadka ka shaqeeya goobaha waxbarashada ee caasimadda gobalka Ontario ee Toronto.
Warbixinti ugu danbaysay ee gobalkan ayaa lagu sheegay xaalado cusub oo gaaraya 3,215 oo uu haleelay COVID-19.
Tirada dadka uu saameeyay cudurkan ee gobalka Ontario, ayaa dhan 371-kun halka dhimashadu ay gaarayso 7,475 xaaladood.
Xaaladaha caabuqa corona ilaa iyo haatan si guud looga diiwaan galiyay dalkaasi Canada ayaa kor u dhaafaya hal milyan halka dhimashadu ay gaarayso ilaa 23,173.