Wararka naga soo gaaraya Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaay sheegayaan in Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ay saaka weerar ku qaadeen bar-koontrool oo Ciidamada dowladda Soomaaliya ku leeyihiin degmada Mahadaay ee Gobolkaas.
Dad Goobjogayaal ah ayaa waxaywarbaahinta gudhaa u sheegeen in dagaal saacado kooban socday uu Ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab ku dhex-maray Koontoroolka Buurane ee degmada Mahadaay, isla markaana ay maqlayeen dhawaqa hubka noocyadiisa kala duwan ee dhinacyadu isku adeegsanayeen.
Wararka ayaa waxaay sheegayaan in dagaalka ay ku dhinteen laba Askari oo ka tirsan Ciidamada dowladda tiro kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaasoo ku sugnaa Koontoroolka Buurane ee degmada Mahadaay.
Warar aan la xaqiijin ayaa waxaa ay sheegayaan in muddo saacado kooban ah ay Al-Shabaab la wareegeen Barta Koontorool ee degaanka buurane, kadib markii Ciidamada dowladda ay isaga baxeen walow wararkale ay sheegayan inay dib uga laabteen.
Saraakiisha Ciidamada dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe weli kama hadlin weerarkaas ka dhacay degmada mahadaay, iyadoo dhowr jeer degmadaasi ay weerareen Al-Shabaab.