DHAGEYSO:Degmada Xudur oo 8 sano Shabaab u go’doonsan

0
679

Degmada Xudur ee Xarunta gobolka Bakool ayaa waxay go’doonsan tahay ku dhawaad 8 sano waxaana hadal laga soo sheegayaa inay ka jirto Xaalad Binu aadanimo oo aad u daran.
Cuntada Qutul Daruuriga ah ee ay dadku sida joogtada ah u isticmaalaan ayaa qiimaheedu aad u kacay waxaana dadka halkaas ku nool oo danyar ay ka mid yihiin ku adkaatay inay iibsadaan kaddib markii 25 Kiilo ee Sonkorta ah ay gaarta Lacag gaaraysa 50 Dollar.
Dhamaan waddooyinka soo gala Magaalada Xudur ayaay Shabaabku Xireen waxaan adkaatay inay agabyada iyo cunooyinku magaaladaas soo galaan maadaama aysan shabaabku ogolayn gaadiidka Xamuulka wada inay soo galaan Magaalada waddooyinkana ay ayagu joogana.
Kali ah halka meel ee ay wax ka soo gali karaan Magaalada Xudur ayaa la sheegay inay diyaarad tahay taasina aysan haqab tiri Karin kuna filayn baahida ka jirta magaaladaas ee go’doonku sababay.
Qaar ka mid ah bulshada ku nool Magaalada Xudur ayaa sheegay in waxyaabah Diyaaradaha lagu geeyo Magaalada Xudur aysan ku filayn baahida Magaalada Ka jirta waxayna sidoo kale sheegeen inay dhibaato culus wajahayaan.
Shacabkaan ku nool Xudur ayaa eedaymo u jeediyay dowlada dhexe Maamulka Koonfur Galbeed iyo hay’adaha Samafalka.