Waxaa weli isa soo taraya falcelinta ay khuburrada dhanka sharciga ka bixinayaan qorshaha la doonayo in lagu beddelo qaar ka mid ah qodobbada dastuurka Kenya.
Ururka caalamiga ee garsoorayaasha ee ICJ laantiisa Kenya ayaa dooddan ku soo biiray wuxuuna sheegay in wakhti xaadirkan aynan jirin baahi loo beddelo xeerarka dalka u degsan.
Guddoomiyaha ICJ Kenya Kelvin Mogeni ayaa sheegay in ka dib markii ay si qoto dheer u eegeen isbeddellada la soo jeediyay ay u soo baxday in aysan xal u ahayn caqabadaha dhaqaale, bulsho iyo kuwa siyaasadeed ee wadanka ka jiro.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in loo baahan yahay rabitaan siyaasadeed oo lagu xallinaya dhibaatooyinka jiro.
Mr. Mogeni ayaa ku nuuxnuuxsaday in baahida keliya ee hadda jirto ay tahay in si buuxda loo dhaqangeliyo dastuurka wadanka u degsan.
Home Wararka Kenya Ururka caalamiga ee garsoorayaasha laantiisa Kenya oo sheegay in aan loo baahneyn...