Baarlamaanka oo qabanaya kulan gaar ah oo looga hadlayo BBI

0
350

Hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka dalka Amos Kimunya ayaa sheegay in toddobaadka soo socda ay qaban doonaan kulan gaar ah oo looga hadlayo arrimaha geedi-socodka la doonaya in wax looga beddelop xeerarka wadanka ee BBI.
Kulanka ayuu sheegay in looga gol leeyahay in hannaanka wax looga beddelayo dastuurka loo gudbiyo marxaladda labaad.
Mr Kimunya ayaa xusay in ay rajeenayaan in guddiga madaxa banaan ee xuduudaha iyo doorashooyinka dalka ee IEBC ay qabtaan afti dadweyne oo wax looga beddelayo dastuurka dalka kaas oo aan ka dib dhicin bisha lixaad ee sanadkan.
Waxaa uu intaasi ku daray in wax dhibaato ah uusan u arkin in guddiga IEBC uu ku baaqo afti bisha shanaad ama lixaad maadaama xilliyada ololaha uu yahay 21 maalmood ka hor aftida.
Maxkammadda sare ee dalka ayaa bishii hore soo saartay amar ah in aan la gudbin karin sharciga BBI maadaama uu maxkmadda yaalo kiis looga soo hor jeedo.
Arrintan ayaa ka dhigan in hadii xitaa uu baarlamaanka meel mariyo sharcigan uusan madaxweynaha saxiixi doonin ilaa laga dhageysto lagana go’aamiyo kiiska.