Ugu yaraan 40 qof ayaa lagu dilay 60 kalena waa lagu dhaawacay isku dhacyo uu dhaxeeyo labo beel, caasimadDa gobolka Daarfuur ee dalka Suudaan ee Al-Janiinah sida ay Qaramada Midoobay sheegtay.
Arrintaan ayaa timid ka dib markii horraantii sanadkan soo ifbaxeen rabshado ka billowday halkaas.
Dhacdadan ayaa ah tii ugu dambeysay ee ka dhacdo gobolka dhibataadu ka taagan tahay ee Daarfuur tan iyo markii Dowladda ku meel gaarka ah ee Khartoum ay heshiis nabadeed la gashay kooxaha mucaaradka dabayaaqadii sanadkii hore iyo sido kale bixitaankii ciidamada nabad ilaalinta ee Qaramada Midoobay dalkaas u joogay.
Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha bani’aadanimada ee OCHA ayaa sheegtay in maalinkiI sabtida ee toddobaadkan ay rag hubeysan oo aan la garaneyn heybtooda labo qof ka dileen qowmiyadda Masalit halka labo kalena ay ku dhaawacmeen rasaasta.
Wixii xilligaas ka dambeyaay labada qowmiyadood ee halkaas ku dagaalamaya ayaa abaabulay xoogag, waxaana la sheegay in dhawaaqa rasaasta laga maqlayay magaalada Al-Janiinah gelinkii dambe ee shalay.
Wararka ayaa intaa ku daraya in iskudhacyada awgood xaalad degdeg ah lagu soo rogay gobolkaas.
Bishii Kowaad ee sanadkan ugu yaraan 129 qof ayaa la dilay.
Waxaana ciidamo lagu soo daabulay magaalada Al-Janiinah ee gobolka Daarfuur.