Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, Maxamed Cabdullaahi Cusmaan (Majiino) ayaa shir Gudoomiyay kulanka guud ee Amniga Gobalka Bari, oo xalay lagu qabtay Xafiska Duqa Degmada Bosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.
Kulanka waxa goob joog ahaa dhamaan Gudiga Amniga Gobalka Bari, Sarakiil ka socotay Madaxtooyada Maamulka Puntland Lataliyaasha Dhinaca Amniga Madaxweynaha Puntland iyo Masuuliyiin kale.
Sidoo kale, shirkaan ayaa waxa ka qeyblay Gudoomiyaasha Xafadaha Magaalada Bosaaso, Maamulka Gobolka Bari iyo kan Degmada Bosaaso.
Saraakiisha Amniga iyo mas’uuliyiinta ka qeybgalay kulankaan ayaa isla wadaagay latashiyo dhinaca amaniga ah,is looga shaqeeyo nabad galyada Magaalada Boosaaso iyo Guud ahaan Gobalka Bari.