Waxaa wadada ku xayirmay rakaab badan oo ku safrayay wadada isku xirta magaalooyinka Hola iyo Gaarisa ka dib markii ay ku soo rogmadeen daadad badan oo uu sababay roob mahiigaan ah oo halkaasi ka da’ay.
Daadadka ayaa jaray wadada Bilbil oo 4 kilomitar u jirtay magaalada Bura.
Tani ayaa sababtay in dhowr baabuur oo ku sii jeeday Hola kana yimid Nairobi iyo kuwa u soo socday dhanka Nairobi oo ka yimid Bura ay dib ugu laabtaan magaalooyinka u dhow.
Qaar ka mid ah rakaabka oo caradooda muujiyay ayaa sheegay in carruurtooda ay halis u galeen macluul inta ay wadada ku xayirnaayeen.
Maamulka qaran ee waddooyinka waaweyn ee KENHA ayaa ka digay isticmaalka wadada ay roobabku saameynta ku yeesheen .