Waaxda saadaasha hawada ee dalka ayaa shacabka ku wargelisay in ay isku diyaariyaan roobab culus oo la rajeynaya in ay isbuuca soo socdo ka da’aan qaybo ka mid ah wadanka.
Bayaanka waaxdan waxaa qayb ka ah in deegaannada ku yaalla waqooyiga galbeed iyo waqooyi bari Kenya laga dareemi doono dabeylo xooggan.
Tani ayaa imaanaysa iyada oo roobab ka da’ay qaybo ka mid ah wadanka ay saameyn dhanka isku socodka ah ka dhalatay.
Waaxda saadaasha hawada ayaa intaa ku dartay in laga cabsi qabo in daadad ay ku dhuftaan deegaannada Nyando, Budalang’i iyo Nyatike halka ay u badan tahay in dhul go’o laga soo tabiyo Murang’a, galbeedka Pokot iyo Elgeyo Marakwet.
Toddobaadkii hore ayay ahayd markii ay dowladda dhexe beeralayda ugu baaqday in ay ka faa’iidaystaan xilli roobaadka oo ay dalag badan abuurtaan.
Gobollada Nyanza, galbeedka , bartamaha iyo qaybo ka mid ah Rift Valley iyo bariga wadanka ayaa la filayaa in ay ka da’aan roobab dhexdhexaad ah.
Afhayeenka dowladda dhexe Mr. Cyrus Oguna ayaa dhanka kale sheegay in 1.4 milyan oo qof ay macluul wajahayaan.