177 qof oo loo haysto in ay jebiyeen xeerarka COVID-19 oo lagu xiray Nairobi

0
831

Ciidamada ammaanka ee ismaamulka Nairobi ayaa gacanta ku dhigay 177 qof oo lagu eedeyay in aynan u hoggaansamin amarrada dowladda iyo talooyinka caafimaad ee lagu xakameynaya faafidda cudurka COVID-19.
Eedeysanayaasha ayaa badankoodu la qabtay xilli ay ka qayb galeen isku imaatin sharci darro ah .
Taliyaha booliska ee ismaamulka Nairobi ,Augustine Nthumbi ayaa sheegay in qaar ka mid ah shakhsiyaadka la xiray ay ku dhex jireen goobaha lagu caweeyo halka kuwo kalena aynan sidan maaskaro in kastoo ay ku sugnaayeen meelaha dadku ku badan yihiin.
Waxaa uu carrabka ku dhuftay in eedeysanayaasha maxkamadda la soo taagi doono berri oo Talaado ah.
Mr.Nthumbi ayaa intaa ku daray in ciidamada booliska ay sii wadayaan howlgallada lagu xaqiijinaya in si buuxda loogu hoggaansamo amarrada lagula tacaalaya caabuqa corona ee uu ka mid yahay bandowga habeenkii.
Dhanka kale saraakiisha ammaanka ee Nakuru ayaa xiray 226 qof oo lagu eedeyay in aynan ilaalin xeerarka ka dhanka ah cudurka.