QM oo baaq ka soo saartay xaaladda Soomaaliya

0
646

Qaramada Midoobay ayaa soo dhaweeysay taageertayna shirkii Xarunta Afisiyooni ee Magaalada muqdisho ay ku yeesheen Madaxda dowladda dhexe ee Soomaaliya,Maamul Goboledyada & Guddoomiyaha Gobolka Banaadir walow aan shirkaan Qodobo lagu heshiiyay wali jirin.
Qoraal kasoo baxay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay inay la socdaan shirarkaas, isla markaana ay rajeeynayaan in guul lagu gaaro.
Bahda Qaramada Midoobey ee Soomaaliya waxay sii boorriyeen joogitaanka hoggaamiyeyaasha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo dhammaan kuwa xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ee ka qeybgalay shirarkii horu-dhaca ahaa ee albaabadu u xirnaayeen ee wadatashiga, kaasoo Muqdisho ka dhacay 3-4-tii bishaan Abriil ayaa lagu yiri Qoraal kasoo baxay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.
Ugu dambeyn Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in wada-hadallada ay noqdaan kuwo sii socda, waxayna ku booriyeen hoggaamiyeyaasha Soomaalida inay heshiis ku gaaraan wadahadallada muhiimka ah.
Qoraalkan kasoo baxay baxay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa kusoo aadaya xilli laba Maalin uu shir uga socday Teendhada Afisiyooni Hogaamiyeyaasha Soomaalida aan wax horumar ah laga gaarin, isla markaana Golaha Ammanka ee QM ay hoggamiyeyaasha Soomaalida ugu hanjabeen cunaqabateyn la saari doono hadii aysan heshiis ka gaarin Muranka Doorashada.