DHAGEYSO:Guddoomiyaha dowladda dhexe u qaabilsan ismaamulka Wajeer oo soo saaray digniin ka dhan ah daroogada

0
717

Guddoomiyaha dowladda dhexe u qaabilsan ismaamulka Wajeer Jacob Narengo ayaa soo saaray digniin ka dhan ah daroogada iyo hubka sharci darrada ah .
Ciidamada ku sugan deegaanada kala duwan gaar ahaan kuwa xuduudda ayuu ka dalbaday in ay waajibaadkooda sida habboon u gutaan.
Waxaa uu ku boorriyay in ay fiiro gaar ah u lahadaan gudbinta maandooriyaha iyo hubka sharci darrada ah.
Mr. Narengo ayaa carrabka ku dhuftay in ciidamada ammaanka aynan marnaba ka daali doonin la dagaalanka badeecooyinka kontarabaanka ah iyo noocyada daroogada ee saameynta ku leh bulshada.
Xilli uu faahfaahin ka bixinayay xashiish shalay lagu qabtay deegaanka Hadaado ee ismaamulka Wajeer ayuu Mr. Narengo yiri

Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa qoraal ay saacado ka hor soo dhigtay barteeda rasmiga ee Twitter-ka ku sheegtay in la filayo in maxkamadda la soo taago labo eedeysanayaal oo loo haysto ka ganacsiga daroogada.
Shakhsiyaadkan ayaa gacanta lagu dhigay galinkii dambe ee shalay xilli ay adeegsanayeen baabuur siday nooca daroogada ee loo yaqaano xashiishka oo marayay degmada Hadaado ee ismaamulka Wajeer.
Daroogada ay ciidamadu qabteen ayaa lagu sheegay 93 xirmo oo xashiish ah.
Waaxda DCI-da ayaa magacyada eedeysanayaasha ku kala sheegtay Maxamad Coloow oo ah darawalka baabuurka iyo Ibraahim Burji .
Eedeysanayaasha ayay da’doodu tahay 41 iyo 26 sano jir.
Wararka ayaa intaa ku daraya in ciidamada ammaanka ay ka shakiyeen baabuurka oo loo sheegay inuu siday shamiito balse daroogo gudbinayay.
Baaritaan dheer ka dib ayay ciidamadu ogadeen in daroogada uu gaariga siday oo la rumeysan yahay in laga keenay dhanka wadanka Itoobiya oo loo soo waday Nairobi ay tahay 465 kiilogaraam.
Labada tuhmane ayaa hadda ku jiro saldhigga booliska waxaana la filayaa in marka baaritaanada la soo gabagabeeyo maxkamadda la soo taago berri si loogu soo oogo dacwad ku aaddan ka ganacsiga maandooriyaha.