Dowladda Kenya ayaa shaacisay inay ka go’an tahay in 1,000 ka mid ah ciidamadeeda booliiska ay u dirto wadanka Haiti si ay kaalin uga qaataan dadaallada nabad galyo ee dalkaasi.
Waxaa arrinkan shaaca ka qaaday wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo qurba joogta Dr. Alfred Mutua oo bayaan soo saaray.
Saraakiisha ayaa sidoo kale ilaalin doono kaabayaasha istaraatijiga ee Haiti.
Waxaa uu sheegay in qorshahan la dhaqan gelin doono marka oggolaansho laga helo hay’adaha dastuurka ee dalka iyo sidoo kale golaha ammaanka ee qaramada midoobay.
Waxaa uu intaasi ku daray in toddobaadyada nagu soo aaddan la sameyn doono qiimeyn la xiriirta ciidamada dalkaasi la gaynaya.
Dr. Mutua ayaa hoosta ka xarriiqay in Kenya ay mar kasta diyaar u tahay inay sidoo kale ka qayb qaadato arrimaha nabadgalyada iyo xasiloonida waddamada Suudaan, DRC gaar ahaan dhanka bar iyo Niger oo ay xiisad ka soo cusboonaatay.
Sidoo kale waxaa uu xusay in Kenya ay ku dadaali doonto sidii lagu joogtayn lahaa xabbad joojinta Suudaan.
REPUBLIC OF KENYA
MINISTRY OF FOREIGN AND DIASPORA AFFAIRS
THE FOREIGN AND DIASPORA AFFAIRS BRIEF
SATURDAY, JULY 29, 2023
NAIROBI
PEACE AND SECURITY FOR A STABLE AND PROSPEROUS WORLD
Following consultations with our partners, we wish to make the following announcement in… pic.twitter.com/aSSJOQiGC1— Dr. Alfred N. Mutua (@DrAlfredMutua) July 29, 2023