DHAGEYSO:Haweenka khudaarta iibiya ee Isiolo oo baaq u diray madaxweynaha dalka

0
330

Haweenka khudaarta ku iibiya suuqa magaalada Isiolo ayaa madaxweynaha dalka William Ruto ugu baaqay inuu maamulkiisa shaqo ka siiyo haweeney iyaga ka mid ahayd oo lagu magacaabo Winfred Kagwiria oo u tartantay xilka wakiilka dumarka balse aan ku guulaysan.
Waxay sheegayaan in haweeneydaasi ay si wayn ugu ololeysay xisbiga UDA balse aan ilaa iyo hadda jago dowladeed lagu abaal marin.
Haweenkan ayaa hoosta ka xarriiqay inay dareemayaan in madaxweyne Ruto uunan ka dhabeyn ballanqaadkiisi ahaa inuu garab siin doono ganacsatada yaryar.
Waxay ku doodayaan in sababta ilaa iyo hadda aan Kagwiria xil loogu magacaabin ay tahay inuunan jirin qof saameyn leh oo ka caawin karo inay shaqo ka hesho dowladda sare.