Maxkamad ku taalla magaalada Eldoret ee ismaamulka Uasin Gishu ayaa nin ku xukuntay saddex sano oo xabsi ah .
Tani ayaa timid ka dib markii lagu helay inuu farriimo aflagaado ah u diray xaaskiisa oo uu muran kala dhexeyay.
Waxaa qofkan u bannaan inuu bixiyo ganaax lacageed oo dhan 100,000 oo shilin si aan xukunka xabsi loogu fulin.
Go’aanka maxkamadda ayaa yimid ka dib markii uu Fidel Ochieng qirtay dacwaddii lagu soo oogay ee ahayd inuu Sharon Bwonya ku aflagadeeyay farriimo uu taleefoonka gacanta ugu diray intii u dhexeysay 10-kii ilaa 19-kii bishan Toddobaad.
Ochieng ayaa garsoore Nancy Barasa ka codsaday inay cafis u fidiso balse xaakinka ayaa hoosta ka xarriiqday inuu adeegsaday ereyo aan ku habboonayn xaaskiisa iyo waalidiinteeda.
Fidel Ochieng ayaa haysta muddo 14 cishe ah oo uu racfaan uga qaadan karo xukunka maxkamadda.