Eedeeysane muhiim ah oo loo haysto dilka Xildhibaanka deegaan barlamaneedka Kasipul ee ismaamulka Homa Bay Charles Ong’ondo Were ayaa waxaa xiray saraakiil ka tirsan waaxda Dembi baarista (DCI).
Soo qabashada tuhmanaha oo saaka dhacday ayaa waxaa sidoo kale lagu soo qabtay gaari looga shakisan yahay in loo adeegsaday in goobta dilka looga baxsado.
Gaariga ayaa waxaa dhuubay Kaamirooyinka amaanka ee ku dhow Dhismaha Baarlamaanka, Waddada City Hall Way, Waddada Wabera Street, Kenyatta Avenue, Jakaya Kikwete Road, Argwings Kodhek Road iyo Valley Road.
Waxaa ay DCI-da sidoo kale ku dhaba jiraan qof kale oo la rumeysan yahay inuu ka qayb qaatay toogashada xildhibaanka.
Horumarkan ayaa imaanaya maalmo un kadib markii xildhibaanka lagu toogtay wadada Ngong habeenimadii Arbacada waxaana toogtay tuhmane mooto watay.
Muuqaalada CCTV-ga ee la helay intii uu socday baaritaanka ayaa ka sheekeeyay daqiiqadihii ugu dambeeyay ee xildhibaanka ka hor inta aan lagu dilin agagaarka wareega City Mortuary.