Qayb ka mid ah hoggaamiyeyaasha Orange Democratic Movement ee (ODM) ayaa hadda ku hanjabay inay ka baxayaan dowladda sal-ballaadhan haddii dowladda ay ku guuldareysto inay gacanta ku soo dhigto gacan ku dhiiglayaasha xildhibaanka deegaanka Kasipul Charles Ong’ondo Were.
Waxaa ay doonayaan in baaritaan deg deg ah lagu sameeyo dilkii arxan darada ahaa ee loo geystay xildhibaanka, oo Khamiistii kooxo dhagar qabayaal ah ay ku toogteen Magaalada Nairobi.
Barasaabka Homa Bay Gladys Wanga Wanga, Senator Moses Kajwang, xildhibaanada deegaan barlamaneedka Waqooyiga Suba Millie Odhiambo iyo xildhibaanka laga soo doortay magaalada Homa Bay Opondo Kaluma ayaa ku andacoonaya in dilka Were uu ahaa mid ay si wanaagsan u soo qorsheyeen hay’addaha ammaanka dowladda ayna fuliyeen kooxo hubeysan.
Iyadoo Sabtidii ka hadlaysay guriga Were ee deegaanka Kasipul, Wanga ayaa sheegtay in ODM ay heshiis wada shaqayn ah la saxiixatay maamulka talada haya ee Kenya Kwanza si wax looga qabto dhibaatooyinka haysta dadka Kenyaanka ah, balse aysan ahayn in wax laga qabto dilalka ka baxsan sharciga.
Peter Kaluma iyo Millie Odhiambo ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay ka baxaan heshiiska haddii ay dowladda dib u dhigto bixinta warbixin dhamaystiran oo ku saabsan dilka xildhibaanka Kasipul.
Kaluma ayaa waxaa uu ku dooday in mustaqbalka habaynta dowladda ee sal ballaaran uu ku tiirsanaan doono sida ay dowladda u maareyso dilka Were.
Dhinaca kale, Xildhibaanada deegaanka Kabondo Kasipul Eve Obara iyo dhigeeda Waqooyiga Teso Okuu Kaunya ayaa ka codsaday waaxda Dembi Baarista (DCI) inay dib u baaraan oo ay dib u eegis ku sameeyaan Kaamirooyinka CCTV-ga ee ku wareegsanaa goobta lagu dilay Xildhibaanka, lana soo qabto gacan ku dhiiglayaasha ka hor inta aan la aasin Were.
Si kastaba ha ahaatee xisbiga United Democratic Alliance (UDA) ayaa soo saaray canaan xoog leh oo ka dhan ah waxa ay ku tilmaamaan “hadallada mas’uuliyad-darrada ah iyo codadka sii kordhaya ee dulqaad-darrada” ee ka imanaya hoggaamiyeyaasha qaar ee ka tirsan xisbiga Orange Democratic Movement (ODM), ka dib eedeymo ku saabsan in dowladda ay ku lug leedahay dilka xildhibaan Charles Ong’ondo Were.
Hadal qoraal ah oo si adag loo sii daayay Sabtidii, hoggaanka UDA ee ismaamulka Homa Bay ayaa meesha ka saaray eedeymaha madaxda ODM waxayna ugu baaqeen hoggaamiyeyaasha siyaasadda inay is xakameeyaan iyadoo ay socdaan baaritaannada lagu hayo dilka xildhibaanka.
Sidoo kale xoghayaha wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga qaran Dr. Raymond Omollo ayaa hoggaamiyayaasha ODM ka codsaday inay kicinin dadweynaha oo ay arrintan xalkeeda ka suggaan saraakiisha ammaanka dalka.