Madaxweynaha cusub ee dalka Niger Maxamad Bazoum ayaa xilka ra’iisul wasaaraha wadankaas u soo magacaabay Ouhoumoudou Maxamadou oo horay wasiir u soo noqday.
Arrinkan ayaa shaaca looga qaaday digreeto ka soo baxday xafiiska hoggaamiyaha dalkaas.
Maxamadou ayaa ka hor inta aan xilkan loo magacaabin ahaa madaxii shaqaalaha ee madaxweynihii hore ee dalkaas Maxamadou Issoufou.
Waxaa uu sidoo kale sanadkii 1991-kii soo noqday wasiirkii macdanta iyo tamarta.
Maxamadou ayaa intii u dhexeysay 2011 ilaa 2012 ahaa wasiirkii maaliyadda ee Niger.