Jubilee oo sheegtay in la eryaya siyaasiyiinta aan daacad u ahayn xisbiga

0
634

Ku xigeenka xoghayaha guud ee xisbiga Jubilee Joshua Kutuny ayaa sheegay in ay meesha ka saari doonaan xubinimada siyaasiyiinta aan daacadnimo u muujin xisbiga talada wadanka haya.
Mr. Kutuny ayaa xusay in cid kasta oo lagu soo doortay tikidka Jubilee balse horumarinaysa ajeendayaasha xisbi kale tallaabo laga qaadi doono.
Xildhibaanka ayaa su’aal geliyay sababta siyaasiga aan ku qanacsanayn qorshayaasha xisbigii suurtageliyay in la soo doorto uunan diyaar ugu ahayn in uu is casilo.
Waxaa uu intaa ku daray in 6 senatar oo si magacaabid ah ku galay aqalka sare oo la soo afjaray xubinimadoodi Jubilee dhawaan kuwo kale lagu beddeli doono.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo siyaasiyiintan oo lagu eedeyay in ay xulafo ka yihiin madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ay ku howlan yihiin dacwad maxkamadeed oo ay go’aankaas kaga soo hor jeedaan.
Haweeneyda diiwaangelisa xisbiyada siyaasadeed ee dalka Anne Nderitu ayaa magaca senatar Issac Mwaura ka saartay xisbiga Jubilee balse waxaa taasi hor istaagtay maxkamadda sare.
Marka laga soo tago Mwaura waxaa Jubilee horay looga ceyriyay Millicent Omanga, Mary Seneta, Falhada Deqow, Naomi Waqo iyo Victor Prengei .