Tirada dadka ee lagu dilay wadanka Myanmar laga soo billaabo horraantii bishii labaad ee sanadkan ayaa gaartay 550 oo qof.
Ciidamada amaanka ee Myanmar ayaa maanta rasaas ku furay mudaaharaadayaal ka soo horjeeda afgembigii militari ee dhacay 1-dii Febraayo.
Waxaana rasaastii ay fureen ciidamada ku dhintay ugu yaraan shan qof.
Tani ayaa ku soo aadeyso Iyadoo oo hal toddobaad laga jooga maliinki ugu dhimashada badneyd dibadbaxyada dalka Myanmar.
Kooxda xuquuqda aadanaha u dooda ee dalka Mnyamar ayaa sheegay in militriga dalkaas ay dileen 550 qof oo rayid ah ilaa iyo hadda .
Dhanka kale Urur u dooda xuquuqda maxaabiista siyaasadeed oo lagu magacaabo AAPP ayaa sheegay in dadka ilaa iyo haatan la dilay ay ku jiraan 46 carruur ah.
Waxaa ay sidoo kale sheegeen in 2,751 qof la xiray halka qaarkood ama la xukumay.