Dowladda oo hakisay soo dejinta tallaalada COVID-19 ee waxyaha gaarka loo leeyahay

0
546

Dowladda dhexe ayaa hakisay keenista tallaalka COVID-19 ee waxyaha sida gaarka loo leeyahay iyadoo amarkan uu dhaqan gal yahay.
Dhammaan waaxyaha gaarka loo leeyahay ee dalka keenayay tallalka ka dhanka cudurka Covid-19 ayaa la hakiyay ilaa amar dambe.
Guddiga qaran ee ka falcelinta COVID-19 ayaa sheegay in tallaabadani ay sare u qaadi doonto kalsoonida iyo isla xisaabtanka hannaanka tallaalka ee ka socda dalka islamarkaana ee waddo dowladda.
Wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dalka Mutahi Kagwe ayaa sheegay in tallaabada ay dowladda ku joojineyso keenista tallalka ee waxayaha gaarka loo leeyahay ay timid ka dib markii hay’ad gaar loo leeyahay ay soo gelisay tallaalka Ruushka ee Sputnik V iyadoo ay ku saleysan tahay qaab ganacsi.
Dhanka kale wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa uga digtay ismaamullada inaynan keydin tallaalada iyagoo sugaya qaadashada labaad.
Waxaa ay wasaaraddu sheegtay in dowladda ay hubinayso in qaadashada labaad ay dalka ku dhacdo xilligeeda.