Wasaaradda caafimaadka dalka India ayaa diiwaan galisay tiradi ugu badnayd ee caabuqa covid-19 ah hal maalin gudaheed tan iyo wixii ka dambeeyay bishi Tobnaad ee sanadkii hore.
Tirada cusub ee la diwaan galiyay 24-saac ee u dambaysay ayaa gaaraysa 81,466 xaaladood sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay wasaaradda caafimaadka ee dalkaasi India.
Dad gaaraya 469 qof oo hor leh ayaa gudaha dalkaasi ugu geeriyooday xanuunka hal maalin gudaheed.
Dalka India ayaa kaalinta saddexaad kaga jira wadamada kiisaska ugu badan ee cudurka laga diiwangeliyay marka laga soo tago dalalka Maraykanka iyo Barazil oo kaalmaha ugu horreeya iyagu ku jira.
Dadka u dhashay India ee ilaa iyo haatan uu haleelay cudur sidaha coronavirus ayaa kor u dhaafaya 12 milyan halka dhimashada guudna ay gaarayso 163,396 qof.
Dad gaaraya 63 milyan oo u badan dadka da’da ah iyo kooxaha caafimaadka ayaa ilaa iyo haatan qaatay tallaaka Covid-19 .
Shalay ayay dowladda dalkaas sheegtay in tallaalka la siinaya dadka ay da’doodu u dhexeyso 45 ilaa 60 sano.
Waxaa uu qorshaha yahay in marka la gaaro bisha toddobaad ee sanadkan , tallaalka ay qaataan ilaa 300 oo milyan oo qof.