DHAGEYSO:Musalia Mudavadi oo wasaaradda caafimaadka ka dalbaday inay ka hadasho tallaalka nooca Sputnik V

0
639

Madaxa xisbiga ANC , Musalia Mudavadi ayaa wasaaradda caafimaadka ka dalbaday in ay faahfaahin dhameystiran ka bixiso nooca tallaalka ee Sputnik V ka dib markii dhawaan ay soo baxday hadal hayn ku aaddan daawadan.
Mudavadi ayaa xusay in wasaaradda laga doonayo in ay caddeeyso qaabkii tallaalka Ruushka ee Sputnik V lagu soo geliyay wadanka.
Madaxa ANC ayaa carrabka ku dhuftay in hadii wasaaradda caafimaadka aynan arrimahan ka hadlin,shakhsiyaadka qaar ay qaab ganacsi ah kaga faa’iidaysan karaan daawooyinka wadanka la keenaya.

Siyaasigana ayaa sheegay in sidoo kale dowladda looga baahan yahay in ay dadweynaha ka qafiifiso culeyska nololeed ee ay wajahayaan.
Waxaa uu dhanka kale dadweynaha kula taliyay in ay fursadda jirta ka faa’iidaystaan oo ayna qaataan tallaalka ka dhanka ah cudurka COVID-19.