Munaasabad lagu xusayay maalinta caalamiga ah ee Cudurka autism-ka oo maanta ku beegan ayaa markii ugu horreysay waxaa lagu qabtay magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya.
Cudurka Autismka oo dalka Soomaaliya ku yar ayay Barayaal ka socdaa Xarunta Mustaqbal Centre oo ah Xarun Carruurta Cudurkaan qabta wax lagu Barro.
Cudurka ayaa saameeya koritaanka maskaxda carruurta.
Maamulka xarunta Mustaqbal ayaa faahfaahin ka bixiyay calaamadaha lagu Garto.
Waxaa sidoo kale goobta ka hadlay qaar ka mid ah Waalidiinta oo sheegay inay arkeen Caruur leh Calaamadaha Cudurka lagu garto.