Xoghayaha guud ee xisbiga ODM Edwin Sifuna ayaa bayaan uu soo saaray ku caddeeyay in madaxa xisbigan ahna ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Raila Odinga uusan soo codsan in tikidka ODM uu ugu tartamo jagada madaxweynenimo ee dalka marka la gaaro doorashada guud ee soo socoto.
Waxaa uu sheegay in ku dhawaaqistii shalay ee guddiga qaran ee arrimaha doorashooyinka u qaabilsan xisbiga ODM ay ahayd kaftan islamarkaana looga dan lahaa in lagu xuso maalinta Beenta ama Doqomada oo shalay ku begneyd.
Waxaa uu intaa ku daray Mr. Sifuna in Raila Odinga uusan shaaca ka qaadi doonin hadii uu u tartami doono jagada madaxweyninimo ilaa laga soo gabagabeeyo arrimaha BBI ee la doonayo in lagu beddelo dastuurka dalka.
Edwin Sifuna ayaa xusay in arrinkii ay shalay shaaciyeen ay la dhaceen qaar ka mid ah shakhsiyaadka ay siyaasad ahaan kaga soo horjeedaan.
Xoghayaha ODM ayaa bayaanka ku sheegay in siyaasadda looga bartay mid mar kasta arrimaha dhabta ah ee taagan looga hadlo balse shalay ay go’aansadeen in ay kaftanka iyo waxyaabaha filan waaga ah ee la isaga yaabsado ku biiraan.
Shalay ayay ahayd markii guddiga qaran ee doorashooyinka u qaabilsan xisbiga ODM uu sheegay in hoggaamiyaha xisbiga ,Raila Odinga uu la tartami doono labadiisa ku xigeen ee kala ah Cali Xassan Joho iyo Wycliffe Oparanya si loo helo cida tikidka xisbigaasi ugu tartami doonta hoggaanka sare ee dalka.