Madaxweynaha dalka oo shacabka ugu baaqay in ay qaataan tallaalka COVID-19

0
575

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa dadweynaha ku boorriyay in ay qaataan tallaalka ka dhanka ah cudurka COVID-19.
Waxaa uu muwaadiniinta kula taliyay in ay ku dadalaan badbaadinta noloshooda oo ayna si buuxda ugu hoggaansamaan xeerarka iyo talooyinka lagu xakameynaya faafidda caabuqa corona.
Mr. Kenyatta ayaa bayaan uu maanta soo saaray ku sheegay in tallaalka wadanka soo gaaray iyo ololaha lagu bixinaya ee socdo ay ka dhigan tahay in Kenya ay ku sii dhawaatay in ay ka guulaysato cudurka.
Hoggaamiyaha dalka ayaa sheegay in caqabadaha ka dhashay cudurka COVID-19 ay yihiin kuwo laga gudbi doono.
Waxaa uu ku celceliyay in cid kasta laga doonayo in ay dowladda garab ku siiso la tacaalidda cudurka.