Madaxweynaha dalka Mr. Uhurru Kenyatta ayaa shalay u soo bandhigay dalalka Botswana, Koonfurta Suudaan, Mauritius, Sierra Leone iyo Namibia aaladaha farsamada ee teknolojiyada islamarkaana dalka lagu sameeyay oo dhan 45,000 oo wadamada uu adeegsan karaan tirikoobka.
Madaxweynaha oo gelinkii dambe ee shalay ka hadlayay aqalka madaxtooyada ee State House islamarkaana qalabkan deeqda ah ku wareejinayay dalalkan ayaa sheegay in Kenya ay diyaar u tahay in ay khibraddeeda ku saabsan teknolojiyada (ICT-da) la wadaagto dalalka kale ee Afrika.
Mr. Kenyatta ayaa xusay in taageeradan ay tahay mid ay ku dheehan tahay tixgelinta midnimada iyo walaaltinimada qaaradda.
Waxaa uu intaa ku daray hoggaamiyaha ugu sarreeya dalka in Kenya ay go’aan satay inay ugu deeqdo dalalkan aaladaha ka caawinaya dhanka tirakoobka.