In ka badan 1.4 milyan oo Kenyaan ah oo macluul wajahaya

0
401

Dowladda dhexe ayaa sheegtay in ugu yaraan 1.4 milyan oo qof oo ku nool gudaha wadanka ay hadda wajahayaan macluul.
Afhayeenka dowladda dhexe Mr. Cyrus Oguna ayaa sheegay in maamulka Jubilee ay ka go’an tahay in qof muwaadin ah uunan u dhiman cunno la’aan awgeed.
Waxaa uu xusay in dowladda dhexe iyo ismaamullada ay abaartu saameysay ay iska kaashanayaan barnaamijyo lagu badbaadinaya shacabka.
Barnaamijyadan waxaa ka mid ah in biyo loo qaybiyo qoyska ku nool dowlad deegaannada kala ah Turkana, Mandera, Garissa iyo Wajeer.
Dowladda ismaamulka Turkana ayaa sidoo kale billowday cunno qaybin.
Sidoo kale qoys kasta oo isku diiwaangeliyay lacagaha ay dowladda dhexe ku taageerto dadka dhibaatooyinka u nugul waxaa labadii biloodba la siinayaa 2700 oo shilin.
Barnaamijkan oo hadda maraya wajigii saddexaad ayaa waxaa lagu bartilmaameedsanayaa oo ka faa’iidaysan doono 101,800 qoys oo ku nool ismaamullada Turkana, Mandera iyo Marsabit.