Dowladda oo sheegtay in tallaalka COVID-19 si lacag la’aan ah lagu bixiyo

0
681

Wasaaradda caafimaadka ayaa digniin adag u dirtay maamullada isbitaallada dowladda iyo xarumaha sida gaarka ah loo leeyahay.
Tani ayaa timid ka dib markii ay soo baxday cabasho dadweyne oo ku aaddan in lacago lagu qaadanaya bixinta tallaalka COVID-19 ee nooca AstraZeneca.
Xoghayaha sare ee wasaaradda caafimaadka u qaabilsan dhanka maamulka Dr. Mercy Mwangangi ayaa sheegtay tallaalka si lacag la’aan ah looga bixiyo isbitaallada dowladda iyo xarumha caafimaad ee gaarka ah.
Waxay sheegtay in tallaabo sharciyeed laga qaadaya cidii isku daydo in ay dadweynaha weydiiso lacag marka ay adeeggan doonayaan.
Waxay dadka ay da’doodu tahay 58 sano iyo wixii ka weyn ugu baaqday inay tallaalka qaataan.
Wasaaradda caafimaadka ayaa sheegtay in ilaa iyo hadda tallaalka COVID-19 la siiyay saraakiil caafimaad oo dhan 67,605, saraakiisha ammaanka oo gaaraya 11,597 iyo 19,094 oo macallimiin ah.