Raila, Joho iyo Oparanya oo u tartamaya tikidka madaxweynenimo ee xisbiga ODM

0
670

Guddiga qaran ee doorashooyinka u qaabilsan xisbiga ODM ayaa cadeeyay in hoggaamiyaha xisbiga ,Raila Oding uu la tartami doono labadiisa ku xigeen ee kala ah Cali Xassan Joho iyo Wycliffe Oparanya si loo helo cida tikidka ODM ugu tartami doonta hoggaanka sare ee dalka.
Guddoomiyaha guddigan Catherine Mumma ayaa maanta warbixin ku sheegtay in saddexdan hoggaamiyeyaal oo kaliya ay soo dirsadeen codsiga ah inay tikidka ODM ugu tartamaan jagada madaxweynenimo doorashad soo socota.
Soo gudbinta codsiyada ayaa waxay ku ekayd maalinkii Arbacada ee shalay.
21-kii bishii koowaad ee sannadkan ayuu xisbiga ODM soo saaray warbixin uu ku doonayo in cid kasta oo doonaysa tikidka xisbiga ee jagada madaxweynenimo codsigiisa soo gudbiyo.
Siyaasiyiinta daneenayo hoggaanka dalka ayaa lagu amray inay soo buuxiyaan shuruudaha dastuurka iyo kan u dajisan xisbiga.
Haddii xisbigu uu Mr. Odinga u soo xusho u tartamida jagada madaxweynenimo, waxay micneheedu tahay in ra’isul wasaarihii hore ee dalka uu tartami doona markiisii shanaad.
Mr Odinga wuxuu markii ugu horeysay u tartamay kursiga ugu sareeya dalka sanadkii 1997 wuxuuna ka sharaxnaa xisbiga Qaran ee Horumarka ee (NDP) wuxuuna galay kaalinta sadexaad kadib madaxweynihii geeriyooday Daniel Arap Moi oo isagu ku soo baxay guusha halka Mwai Kibaki oo isna noqday qofka labaad.
Xoghayaha guud ee xisbiga ODM Edwin Sifuna ayaa isbuucii la soo dhaafay ku dhawaaqay in xisbigu ka shaqeynayo “isbahaysi balaaran, wanaagsan oo geesinimo leh” kaas oo gilgili doona wadanka isla markaana qaabayn doona siyaasada wadanka sanadaha soo socda.