DHAGEYSO:Shacabka Samburu oo qaadanaya tallaalka COVID-19

0
691

Dadweynaha ku nool ismaamulka Samburu ayaa lagu soo warramayaa in ay si weyn ugu soo baxayaan qaadashada tallaalka ka dhanka ah cudurka COVID-19.
Waxaa maalmihii ugu dambeeyay sare u kacday tirada shacabka ee tallaalka ka qaadanaya isbitaallada guud ee Samburu iyo deegaanka Maralal.
Dadkan ayaa sheegaya in aynan jirin wax saameyn caafimaad oo ka soo gaartay tallaalka COVID-19 ee la siiyay.
Waxay intaa ku dareen in tallaabadii uu madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta qaaday ee ahayd in la siiyay tallaalka ay iyagana dhiirigelin u noqotay