Shiinaha oo sheegay in dhamaan xogaha Covid-19 uu la wadaagay hay’adda caafimaadka adduunka

0
576

Sarkaal sare oo ka tirsan waaxda caafimaadka ee dalka Shiinaha ayaa maanta sheegay in aysan waxba ka jirin eedeymaha ah in Shiinaha uusan dhamaan xogaha Covid-19 la wadaagin hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO .
Xogaha iyo baaritaanada ayaa lagu ogaanayay halka uu ka soo bilowday cudurka Covid-19.
Ka dib markii Talaadadii ay si wadajir ah warbixin u soo saareen hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO iyo Shiinaha, ayaa madaxa hay’aadaasi Tedros Adhanom Ghebreyesus sheegay in Shiinuhu uu baarayaasha caalamiga ah ka reebay xogtii ay u baahnaayeen.
Balse Liang Wannian oo ahaa wada-hoggaamiyaha daraasadda wadajirka ah, ayaa warbaahinta u sheegay in cilmi-baarayaashu loo fasax xogaha dhamaan xiligii ay daraasadu socotay.
Waxaa uu sido kale ku gacan seeray sheegashada ah in daraasadu laga daahiyay xiliigii loogu tala galay in la daabaco isaga oo sabab uga dhigay in dhamaan macluumaadkaasi ay u baahnaayeen xaqiijin labada dhinac ah.