Cilmi baaris cusub oo ay sameysay shirkadda darasaadka ee Infotrak ayaa lagu ogaaday in 81 boqolkiiba kenyaanka ay ka xanaaqsanyihiin, walwal ama cabsi ay ka qabaan heerka deynta uu shisheyuhu u ku leeyahay Kenya.
Waxaa ay sheegtay in Boqolkiiba 45 dadkii ka qayb qaatay sahankan ay dareemayaan walwal iyo cabsi ay ka qabaan heerka deynta.
Waxaa ay sidoo kale sheegtay in boqolkiiba 17 ay aad uga xunyihiin halka 6 boqolkiiba ay dareemayaan rajo la’aan.
Kenyaanka kasoo kala jeeda gobollada Nyanza, galbeedka dalka, bariga iyo waqooyi bari ayaa ah kuwa ugu walwalka badan heerka deynta shisheeye ee uu ku leeyhay Kenya.” ayaa lagu yiri warbixinta Infotrak.
Dhamaan gobollada dalka ee dadka ku nool ayaa sheegay inay kasoo horjeedaan amaahda joogtada ah ee laga helo wadamada shisheeye.
Home Wararka Kenya 81 boqolkiiba kenyaanka oo walaac ka muujiyay deynta uu shisheeyuhu ku leeyahay...