Ugu yaraan 13 qof ayaa ku dhimatay isku dhacyo qowmiyadeed oo ka dhacay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo kuwaas oo la isku adeegsanayay baangado.
Sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan dowladda, dagaalka ayaa ka dhacay gobolka Kasai maalintii Isniinta ee toddobaadkan.
Labada qowmiyadood ayaa la sheegay inay u dhaxeeysay colaad muddo dheer soo jirtay.
13-ka qof ayaa la sheegay in dhamaantooda qoorta laga jaray.
Sido kale waxaa dab la qabad siiyay guryo badan oo ay ku jiraan kuwo ay iska lahaayeen qaar ka mid ah madaxda ka soo jeeda halkaasi.
Colaada gobolka Kasai ayaa waxaa la sheegay inay ku dhinteen 3,000 oo qof halka 1.5 milyan oo qof ay ka qaxeen guryahooda.