Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tacsiyeeyay geerida xildhibaankii Kiambaa

0
533

Waxaa isa soo taraya farriimaha tacsida ah ee ay dirayaan siyaasiyiinta iyo madaxda kale ee dalka ka dib geeridii saaka ku timid xildhibaankii deegaanka Kiambaa ee ismaamulka Kiambu , Paul Koinange.
Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Dr. Fred Matiang’i ayaa sheegay inuu aad uga naxay geerida mudanaha oo uu ku tilmaamay shakhsi ku sifoobay degganaan iyo qaangaarnimo siyaasadeed.
Wasiirka ayaa sheegay in Paul Koinange uu fursad siin jiray aragtiyada kala duwan ee dhanka amniga maadaama uu guddoomiye u ahaa guddiga arrimaha ammaanka iyo maamulka ee baarlamaanka.
Guddoomiyaha baarlamaanka dalka Mr. Justin Muturi ayaa dhankiisa sheegay in Paul Koinange uu shacabka soo doortay iyo si guud dalka ugu adeegayay si ay daacadnimo ku dheehan tahay.
Siyaasiyiinta kale ee ka tacsiyeeyay geerida xildhibaankii Kiambaa waxaa ka mid ah Raila Odinga, William Ruto , Aadan Barre Ducaale, Aden Keynaan, Fatuma Gedi , Amos Kimunya Didmus Barasa oo laga soo doortay Kimilili , Junet Maxamad iyo madax kale.
Waxay dhammaantood sheegeen in la tabi doono kaalintii uu xildhibaanka geeriyooday ku lahaa ka shaqeynta xasiloonida wadanka.