Sanadkii la soo dhaafay shacabka Kenyaanka ah ayaa maalin kasta qaadanayay 1.2 bilyan oo shilin oo ah lacagaha deymaha ee adeegga loo yaqaano Fuliza iyo sidoo kale m-shwari.
Arrintan ayaa loo sababeeyay shaqo la’aanta baahsan ee uu horseeday xanuunka covid-19.
Warbixin uu soo saaray bangiga NCBA ayaa lagu sheegay in sannadkii hore lacag dhan 432 bilyan oo shilin ay shacabka deeyn ahaan u qaateen iyaga u maraya habka looga dalbado taleefonka gacanta ee fuliza.
Lacagtan ayaa ka badan tii sannadkii 2019-kii ay amaah ahaan u qaateen qaar ka mid ah shacabka taas oo ahayd 330 bilyan.
Lacagaha deymaha ee fuliza iyo m-shwari ayaa qayb ka ah adeegyada shirkadda isgaarsiinta ee Safaricom.