In ka badan 500 oo qof oo ilaa iyo hadda lagu dilay dibadbaxyada Myanmar

0
545

Tirada dadka ee lagu dilay wadanka Myanmar laga soo billaabo horraantii bishii labaad ee sanadkan ayaa kor u dhaaftay 500 oo qof.
Shacabka ayaa weli muujinaya sida ay kaga soo horjeedaan afgembigii militari ee dhacay 1-dii Febraayo.
Dibadbaxayaasha ayaa toddobaadyadii ugu dambeeyay isugu soo baxayay waddooyinka magaalooyinka dalkaas iyadoo ay tani ka dhasheen iskudhacyo kala dhexeya ciidamada ammaanka.
Urur u dooda xuquuqda maxaabiista siyaasadeed oo lagu magacaabo AAPP ayaa sheegay in shalay keliya la dilay 14 qof oo rayid ah.
Ugu yaraan 8 ka mid ah dadkan ayaa lagu toogtay magaalada Yangon.
Dhanka kale xoghayaha guud ee qaramada midoobay Mr. Antonio Guterres ayaa taliyaasha militariga Myanmar ugu baaqay in ay soo afjaraan adeegsiga awoodda xad dhaafka ah ee ay kaga fal celinayaan mudaharaadyada.