Madaxa xisbiga Narc Kenya Martha Karua ayaa dowladda dhexe ugu baaqday in ay dusha saarato qarashaadka la xiriira baaritaannada iyo daaweynta cudurka COVID-19 ee bukaannada ku jiro isbitaallada guud.
Haweeneydan ayaa sheegtay in xayiraadda dhanka isku socodka ee ismaamullada qaar la saaray aynan ahayn xal buuxa oo looga guulaysanaya caabuqa.
Waxay carrabka ku adkeysay in Kenyaanka badankoodu uu cudurka culeys nololeed ku keenay sidaas awgeedna aynan awoodin in ay lacagaha baaritaannada iyo daaweynta xanuunkan ay bixiyaan.
Waxay hoggaamiyaha Narc Kenya ku celcelisay in maamulka talada haya ee Jubilee laga doonayo inuu maalgelin ballaaran ku sameeyo dhanka caafimaadka .